Posts

Showing posts from July, 2017

Qiso cajiib ah

Image
WAA QISO  DHAB AH KA DHACDAY  DALKA QAAHIRA  MASAR #Allaahu_Akbar.      #Allaahu_Akbar Waa wiil da'yar, Magaaladani uu Hada joogo wuu Ku cusub yahay Cid Ehel iyo Qaraaboba Kuma Laha , Waxuu ka  Deganyahay Masaajidka, Waxuu Magaaladii Uu Deganaan Jiray Uga Yimid Inuu Cilmiga diiniga ah Barta Waxa Ahayd Shalay Markii Sahaydiisii Yarayd ka Go'day Maanta Isagoon Xalay Cashayn, Saakana  Qureecan, Misana Aan Qadayn, Maalin iyo Badhna Aan Afkiisa Wax ku Hubsan  Ayuu Salaadii Casar La Tukanayaa Jamaacadii, Markii Salaadii Casar Laga soo Baxay Ayaa Sidii Caadada ahayd Sheekhii Masaajidku Bilaabay Casharadii Tafsiirka iyo Siirada ahaa Walow ay Gaajada Haysaa Aanay U saamaxayn Inuu Casharka Fahmi Karo Hadana Wiilkani yar waa ka xishoonayaa Dadka Inuu Wax Weydiisto, Waase uu Iska sii Wataa Dhegeysigiiisi Casharka , Goor ay Salaadii Maqrib Kusii Dhowdahay ayaa Wiilkii yaraa is Hayn kari waayey waxuu kasoo Baxay Masaajidkii  Waxuu Damcay Inuu U dhaco guri Masaajidka U dhowaa oo Deyrkii