Posts

Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa  

Image
S iid Cumar Abuukar Cabdulle Wehliye Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa  Siidka cadde Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta. Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”. Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan? Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah Soonka wa

Geraar jaceyl oo aad u macaan

Image
Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahaygaay Diirkii jirkeygaay Dooqeygu tuu raacaay Waxaan kuu soo dirayaa Salaan daacad ahoo debecsan Diiranoo duunyoo idil iyo Doolarka ka qaalisan Oo dubka sareetiyo Halbowlaha dacaladiisiyo Ku dahaaran qalbiga Oo diiwaanka wadnihiyo Ku daboolan caloosha Ee adigana ha daayicinoo Haygu sii deynin duurkee I daryeel macaaneey Daa’inkii ina uumayna Waxaan kaaga dalbayaa Deeq inuu ku siiyiyo Caafimaad derejo leh Intaa dabadeed aan Aan iska dabro salaantoo Aan usoo daadago Dulucdiyo ujeedada Inanyahay dartaa baan Duhur iyo habeen Hurdadii u diiday Anfacadiinna u daayay Jaceyl bey duufsadoo Duufaannada waxqaadiyo Igu diray dabeylaha Ee intaanan dulloobinoon Duurka gelin Idugaaliyoo idaawee Ila duubo gacalooy

QISO JACAYL OO MURUGO BADAN

Image
Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxa uu maalin kasta arkayaa arimo uu kufarxo naftii sana hididiilo galiya , rayn rayna kureeba iyo qaar uu kanoxo oo walaac, tiiraayo iyo beer loxowsi ku beera waana sune rabbaani ah in qofkastaahi uu lakulmo. markan oo kale dadku isku maan, muruq iyo maskax ma aha,  maaraynta ama  latacaalida mushkiladahaa oo kalena kama sina . Qisadaan soo socota oo ah mid aan casharo badan kabartay aqristow adna aad kabaran dooto ayaa waxa ay dhexmartay wiil lagu magacabo c/rabi iyo inan somaliyeed oo lagu magacaabo najmo. C/rabi ayaa iga waramay sida ay wax u dheceen waxa uuna yiri :- ” markii hore waxa aanu iska baranay aaladda facebook-ga xaqiiqdii aniga iyo najmo horay isuma aanan aqoon balse sawirada (photos) ka najmo oo qalbigayga taabtay aadna isoo jiitay ayaakeenay in aan kudarsado kana mid noqdo friends-ka najmo . nasiib wanaag waqti yar kadib najmo way i aqbashay durbadiiba waxaan guda galay in aan salaan iyo nabdaadin la

10 Arrimood Oo Ardayga U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto

Image
Wakhtiyo kala duwan Ayaa Ardaygu sannadkii imtixaan u fadhiistaa, Isku buuq iyo Culeys uu werwer u weheliyo Ayaa la soo dersa tiro badan oo Ardeyda ka mid ah wakhtiga Imtixaanka. Khidaddu waa in si sahal ah oo Deganaani ku Jirto loo wajaho weydiimaha. Naxdinta iyo Fikirka xun ee aad imtixaanka ka qabtaa keliya waxa ay sii bilaabeysaa in aad dhacdo kuna guuldareysato. Qoddobadani Ayaa ah kuwo Ardeyda Caawin doona Wakhtiga Imtixaanka. -Ardeygu waa in uu Toddobaadka Imtixaanaadka ku Wajahaa Fikir Dhinaca Wanaagsan ah oo uu Rajeynaayo in uu ku Guuleysan doono, Ma Jirto si iyo Hab uu Ardeygu kaga baxsan karo Imtixaanada Wakhtiga sannadaha kala duwan ee Dugsiga aan aheyn in uu u Fadhiisto, Haddii aad wax badan oo Cabsi ah iyo Adeyg ah oo Imtixaanka la xidhiidha aad Maskaxdaada u sheegto waxa ay ku horseedi karaan Fashil iyo Dhicid ama Dhibco Yaraan,Ogowna in Ardeygu yahay Ka keliya ee isagu is dhiirigelin kara,Naftiisana Runta u sheegi kara. -Ardeygu waa in uu Sameystaa Jadwal Wax Ak

Inta Nolosheyda Ka Dhiman Ayay Igu Qaadaneysaa In Aan Tirayo Sababaha Aan Ku Jeclahay

Image
Farxada qaarkeed waxaa lagu cabiraa aamusnaan, halka dhoolacadeyntuna ay siddo micno ka badan ereyada. Waxaa ley weydiiyey inaan jewi farxad ku jiro markaad nolosheyda ka mid tahay,waxaana ku jawaabaa dhoolacadeyn. * Haddii la i yiraahdo soo tiri sababaha aan adiga kugu jeclahay, waxa ay igu qaadaneysaa inta nolosha ka dhiman inaan soo xisaabiyo, waayo jaceylkaaga wuxuu iiga dhigan yahay duni aniga iyo adiga inoo qaas ah. *Nolosha wax macno ah kuma fadhido hadii aanan kaa helin jaceyl daacad ah oo farxad ku dhisan, waana waxa keliya ee aan kaaga baahanahay inaad wahsi la’aan iigu deeqdo. *Marka waxwalbo u muuqdaan in ay lumeen iyo cidladu deris kula noqoto, ma garan kartid wax aad sameyso, fiiri gudaha qalbigeyga waxaad ka dhex arkeysaa inuu kaaga banaan yahay boos qaas kuu ah adiga. *Marwalba oo aan ku arkaba aniga xageyga waxwalbo wa ay ka istaagaan, waxaana ku indho doogtaa quruxdaada, naftu kama dheragto in ay kugu ildoogsato qaabdhiskeeda hagaagsan ee uu alle kuu s

Qiso jaceyl oo xiiso iyo xamaasad badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso Dhab ah

Image
Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Deeq iyo Najma, Deeq ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid cajiib badan ah. Waxaan ku dhashay degmada Heliwaa ee magaaladda Muqdisho, waxaan kusoo barbaaray degmada Heliwaa gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay caasimadda. Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Najma ayaanu waxaa ku wada noolleen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna xiriirkaynu uu wanaagsanaaday mar ay kusoo biirtay Iskuulka Ablaal, xilli aan dhiganaayay fasalka koowaad ee dugsiga sare “Form One”. Markii aanu Najmo isku fasal noqonay ayaa waxaan noqday ruuxa kaliya ee ay la-hadli jiray iyadoo iga dhigan jirtay inaan ahay ruux walaalkeyd ah, hadana inaan Najma isku soo dhawaano ayaa waxaa inoo sahashay anagoo ku wada noolleen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Mar walba oo aan Najma fasalka kasoo wada baxno ayaa waxaanu isu soo raaci jirnay dhinaca xaafadda Suuqa Xoolah

SadaxeeYe qaabka iskaga ilaalin lahed

Image
Qaabka aad isaga ilaalin kartaan saddexeeye by Geeraar Qaabka aad isaga ilaalin kartaan saddexeeye SIda caadiga nolosha lagama waayo qof dhaxdiina soo gala kazoo damacsan inuu isku kiin diro. Marka uu qofka doonaayo inuu isku kiin diro waxeey noqon kartaa dhowr arin: In uu idin kala geeyo  In uu labadiina qof un uu jacelyahay uuna isla rabay asiga/ayada Xaasidnimo wax dan ah ama hadaf kama dambeeyso saddaxeeyanimada laakin xaasidnimo darted. Hadaba qaabkee ugu digtoonaan kartaan qodobadaan akhriso: Ha rumeeysan wax walbo oo laga sheego lamaanahaaga Qof ayaa war kuu keenay warkaas oo aadan ku farxin, waxaa haboon marka hore inaad xaqiijiso runimada warkaas hadii ay dhab noqoto noloshaada ha u bur burin wax fudud oo aad xalin kartaan Lamaanahaaga/lamaantaada u sheeg qatarta saddaxeeyaha Mar alaale markaa dareento inuu jiro qof dhaxdiina ka shaqeynaayo lamaanahaaga/lamaantaada uga dig khatarta ay leeyihiin saddaxeeyaasha. Mar naba ha dhayalsan inaad uga digto sadda