Inta Nolosheyda Ka Dhiman Ayay Igu Qaadaneysaa In Aan Tirayo Sababaha Aan Ku Jeclahay



Farxada qaarkeed waxaa lagu cabiraa aamusnaan, halka dhoolacadeyntuna ay siddo micno ka badan ereyada. Waxaa ley weydiiyey inaan jewi farxad ku jiro markaad nolosheyda ka mid tahay,waxaana ku jawaabaa dhoolacadeyn.

* Haddii la i yiraahdo soo tiri sababaha aan adiga kugu jeclahay, waxa ay igu qaadaneysaa inta nolosha ka dhiman inaan soo xisaabiyo, waayo jaceylkaaga wuxuu iiga dhigan yahay duni aniga iyo adiga inoo qaas ah.

*Nolosha wax macno ah kuma fadhido hadii aanan kaa helin jaceyl daacad ah oo farxad ku dhisan, waana waxa keliya ee aan kaaga baahanahay inaad wahsi la’aan iigu deeqdo.

*Marka waxwalbo u muuqdaan in ay lumeen iyo cidladu deris kula noqoto, ma garan kartid wax aad sameyso, fiiri gudaha qalbigeyga waxaad ka dhex arkeysaa inuu kaaga banaan yahay boos qaas kuu ah adiga.

*Marwalba oo aan ku arkaba aniga xageyga waxwalbo wa ay ka istaagaan, waxaana ku indho doogtaa quruxdaada, naftu kama dheragto in ay kugu ildoogsato qaabdhiskeeda hagaagsan ee uu alle kuu sameeye

Comments

Popular posts from this blog

10 Arrimood Oo Ardayga U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto

Qiso jaceyl oo xiiso iyo xamaasad badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso Dhab ah

Qiso jaceyl oo aad u xanuuN badaN