Posts

Showing posts from March, 2018

Geraar jaceyl oo aad u macaan

Image
Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahaygaay Diirkii jirkeygaay Dooqeygu tuu raacaay Waxaan kuu soo dirayaa Salaan daacad ahoo debecsan Diiranoo duunyoo idil iyo Doolarka ka qaalisan Oo dubka sareetiyo Halbowlaha dacaladiisiyo Ku dahaaran qalbiga Oo diiwaanka wadnihiyo Ku daboolan caloosha Ee adigana ha daayicinoo Haygu sii deynin duurkee I daryeel macaaneey Daa’inkii ina uumayna Waxaan kaaga dalbayaa Deeq inuu ku siiyiyo Caafimaad derejo leh Intaa dabadeed aan Aan iska dabro salaantoo Aan usoo daadago Dulucdiyo ujeedada Inanyahay dartaa baan Duhur iyo habeen Hurdadii u diiday Anfacadiinna u daayay Jaceyl bey duufsadoo Duufaannada waxqaadiyo Igu diray dabeylaha Ee intaanan dulloobinoon Duurka gelin Idugaaliyoo idaawee Ila duubo gacalooy