Posts

Showing posts from May, 2018

Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa  

Image
S iid Cumar Abuukar Cabdulle Wehliye Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa  Siidka cadde Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta. Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”. Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan? Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah Soonka wa