Qiso jaceyl oo xiiso iyo xamaasad badan oo dhex martay lamaane Somaliyeed “Qiso Dhab ah


Qisadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Deeq iyo Najma, Deeq ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid cajiib badan ah.
Waxaan ku dhashay degmada Heliwaa ee magaaladda Muqdisho, waxaan kusoo barbaaray degmada Heliwaa gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay caasimadda.
Gabadha aan ifka ugu jeclaan doono ee Najma ayaanu waxaa ku wada noolleen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna xiriirkaynu uu wanaagsanaaday mar ay kusoo biirtay Iskuulka Ablaal, xilli aan dhiganaayay fasalka koowaad ee dugsiga sare “Form One”.
Markii aanu Najmo isku fasal noqonay ayaa waxaan noqday ruuxa kaliya ee ay la-hadli jiray iyadoo iga dhigan jirtay inaan ahay ruux walaalkeyd ah, hadana inaan Najma isku soo dhawaano ayaa waxaa inoo sahashay anagoo ku wada noolleen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.
Mar walba oo aan Najma fasalka kasoo wada baxno ayaa waxaanu isu soo raaci jirnay dhinaca xaafadda Suuqa Xoolaha oo aanu ku wada noolleen, iyadoo subax kasta marka aan iskuulka soo aadayana aan Najma kusoo mari jiray gurigooda, isla-markaana Najma waxaa xilliyada habeenkii aanu ku wada sheekeysan jirnay khadka teleefanka.
Sidoo kale Najma waxay ahayd gabar fur furan oo aniga ii wanaagsan, ila kaftanta, ila qososha, isla-markaana aad iyo aad ayay iskugu kaaya bixi jirtay, iyadoo muddo kadib uu i soo weeraray cudurkii caashaqa ahaa, waxaana Najma u qaaday jaceyl igu weynaaday, hase yeeshee waxaan ka cabsan jiray in’aan Najma u soo bandhigto jaceylka aan u qabo, iyadoo ay sidaasi xaaladdu tahay ayay maalin maalmaha kamidah ay Najma iga qaadatay buug aan ku qoran jiray Madada Xisaabta ah, isla-markaana subixii markii aanu iskuulka imaanay ayay dib igu soo celisay buugii oo ay ku dhex jirto warqad.
Markaan guriga dib ugu laabtay ayaa waxaa warqadii ku qorneed ereyo jaceyl oo ay Najma igu soo bandhigeyso in’ay i jaceshahay, runtii markaan arkay sida geesinimada leh ay Najma igu soo bandhigtay inay i jaceshahay, ayaa waxaa iga tagtay cabsidii ku aadaneed inaan u soo bandhigo jaceylkeyga, isla-markaana habeenkii ayaa waxaan wacay Najma, markaas ayaa waxaan u sheegay inaan hellay dhambaalkii wanaagsanaa ay igu sheeganeysay caashaqa ay ii qabto, waxaana markaasi u sheegay inaan aniguba si’aad ah u jeclahay, balse aan ka baqi jiray inaan u sheegto.
Waxaa aniga iyo Najma inoo bilowday xiriir wanaagsan oo ka duwan kii hore ee walaaltinimada iyo baqdinta xoogga leh ee ku dhisneed, isla-markaana waxaan bilownay inaan isla qaadano waqtigeyna ku aadan jaceylka aanu isu qabno, hase ahaatee waxaan caqabad adag aan kala kulmay Najma hooyadeed, oo aallaaba u heysatay inaan aniga gabadheeda ka mashquulinaayo waxbarashadeeda.
Iyadoo ay xaaladdu cakiran tahay ayaa waxaa dhacday in Najma hooyadeed ay i soo bandhigto laba kala daran mid dooro, kuwaa oo kala ahaa inaan Najma u soo diyaar garoobo guurkeeda, iyo inaan Najma faraha ka qaado, si’aan uga mashquulin waxbarashadeeda, durbaba arinta adag ee aan kala kulmay Najma hooyadeed ayaa waxaan u soo bandhigay Aabahey, isla-markaana waxaan u sheegay inaan Najma jeclahay, aana doonaayo inaan guursado, laakiin Aabe ayaa wuxuu iga codsaday inaan siiyo dhawr bilood oo fursad ah, si’ buu yiri aan guur kuugu sameeyo.
Waxaa jirtay gabar ay qaraabo ahaayeen Najma oo ka imaaday dalka Maraykanka, taasoo ubad ay dhashay magaaladda Qaahira ee dalka Masar geysay, si halkaasi ay ugu bartaan Diintayna Suuban ee Islaamka, waxayna gabadhaasi ay codsatay in Najma loo-soo diro si’ay u caawiso, iyadoo ay saas tahay ayay muddo gaaban kadib ay Najma u amba baxday magaaladda Qaahira ee dalka Masar, isla-markaana maysan ii sheegin inay baxeyso iyo in kale.
Markii ay Najma igu cidleysay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa i soo food saartay xaalad cakiran, waxaana noqday ruux bukaan socod ah, waxaana muddo dhan laba bilood aan ahaa ruux aan ku sugneen xaalad caadi ah, waxaan ka go’ay cunadii, waxaan ka go’ay iskuulkii, xitaa waxaan kaloo kari waayay inaan Timaha jarto,

Comments

Popular posts from this blog

10 Arrimood Oo Ardayga U Horseeda Inuu Imtixaanka Ku Guulaysto

Qiso jaceyl oo aad u xanuuN badaN